|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Adegyadii asaasiga oo kamaqan magalada raaso ee ismaamulka kilil5aad ee dalka ethiopia
Jilibweyn, Media center 26 mars ,

(jilibweyn online) magalada raaso oo kamid ah magalayinka aadka uwaawayn ee kilil5aad ayaan lahayn habayraate wax adeeg bulsho, sida,cafimaadka,waxbarashada,iyo biyaha magalaadan oo hore u aafeyeen dagaalo sokeeye ayaa dagan sanadii ugudanbeyay kadib markii dagaladii dhiga badan kudaadatay uu iskood ujogsaday ,hadaba magaladan oo ay kunolyihiin inkabadan boqalaal kun oo qays ayaan halin adegyadii asaasiga ahaa, dadka magalada dagan raaso ayaa ubadan dad sabool ah oo aan waxbahaysan iyagoon awoodikarin inay samaysataan adegyadii asasiga ahaa


sidokale dawlada fadaralka ethiopia iyo mida kilil5aad ee ismaamulka somalida ayaa iyana ka indha qabsatay tagaradii xaqa ay ulahayen umada rer raaso ilaa iyo hada dawalda dhaxe ama tan kilil5aad wax tagero ah habayrate mayna sinin degaanka raaso taaso oo aad kagarankartid iyadoo magalada raaso aan lahayn,school waxbarasho oo dadku udareraan ,hospitaalo cafimaad,koronto intaba, magalaada raaso oo ah magaalo istiraatigi ahaan aad ugu fican dhubl beredka iyo ganacsiga xaga degaan ahaan ayaan helin maagashi dawlo iyo mid shaqsiyaded tona,


sidokale dadka raaso ayaa iyagu kunol xalad aad udag taasoo hadana malamahan danbe lagasoo shegaayo dhimasho adanimo oo ay sababtay daryel laanta iyo baad laanta degaanka haysata. gudomiyaha magalada raaso. mudane jamaal sh cumar oo aan kula xirirnay qadka foneyaha ayaa tibaaxay in dawlada fadaralka iyo mida kilil5aad ay kagabiyeen xaqii ay raaso ulahayd inay hesho haday ahan lahayd, waxbarsho ,cafimaad,iyo biyo intaba, maglaada raaso waxaa kajirta masiibo daran saas waxaa yiri gudomiyiha jamaaal sh cumar. hadii aan dagdag wax loga qabanina way kasidaraysaa .


mar aan sual waydiyay ahayd :-idinka rer raaso maxaad iskugu dayi waydeen bal inaad lahadshaan dawalad dhaxe iyo mida kilil5aad si aad uheshan xaqiina waxa ukujawabay:- geed dheer iyo geed gabanba waan ufolnay sidii aan uga dhadhicinlahayn dhibatada daryel lanta kajirta magalada raaso gaar ahaan,xalaada cafimaad,waxbarasho iyo biyolaanta oo ah adegyadii ugumihimsanaa ilaa hadana wax jawab ah kamahyno wayn lasocdaan malinkasta dhibatada kasocota haatan iyo xiliyadii horaba


sual:-magalada raaso waa magalo aad uwayn hadii dawladi dhexe iyo midii kilil5aad idin hagratay idinka miyaad iskawayden shaqsiyaad ganacsato ah ama ashkhaas kale oo iskod ufulisa hawlahan adamiga waxa una yiri markale gudomiyuhu:-walaal dadka mesha iskugu yimid waa dad qax ah oo kasoo qaxay dhulalkodii hore ay udagnaayen mana awodaan awood ay wax kusamaystaan waa dad la tabalaysan ama radiya waxay cunilahayen ,marka qof ka fikiraya maxad cuntaa uma surobayso inuu kufikiro maxad bartaa ama bartaa.


saul:-mudane jamaal magalaada raaso waa magaalo aad uwayn hadana kunolyihiin dad aad ufarabadan ,isla markaana aan lahayn adeg waxbarasho marka dhalinta yaryar masaan ayaad ku egaysaan waxbarasho laanta ah


gudomiyaha oo kajawabaya markale:- walaal maya kudaynmayno intii tabartayada ah waan uqaylyaynaa dadkan rer raaso sidii ay kuhelilahayeen xaqooda melkasta oo aan wax kahelaynana waan maraynaaaa dacwadahana waan wadaynaaaa. sual:-ugu danbayntii maxaad dalbanaysaan?


gudomiyaha oo markale siwata waxa uyiri:- waxa ugumihimsan oo nogudaran waa inaan helno adegii asaasiga ahaa sida biyaha iyo waxbarashada cafimaadka. hadaba dawlada fadaralka ethiopia.kilil5aad ismamulka somalida ethiopia, iyo jaaliyadaha gobolka udhshayba waxaan kacodsanaynaa inay nasoo garsiyaan adegyada aan ubaahanhay sida biyaha iyo waxabarsahada waxaan farayaa oo aan ku adkaynayaa jaliyadaha gobolka inay iskukayo xilqamaan oo ay naga cawiyaan waxbarashada iyo biyaha saas waxaa yiri gudomiyaha magalada raaso mudane jamaal sh cumar


maqalada xiga waxaan idinsoo gudbindonaa warbixino kalagasin oo aan kasoo qaadnay magalada raaso iyo xaladihii ugudanbeyay


by:- sayid raaso

Jilibweyn Media Center Somalia
E-mail us: jilibweyn@gmail.com
Email Us: jilibweyn@gmail.com


 

©2007Jilibweyn ®All rights reserved.
www.jilibweyn.com
|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

jaaliyadaha besha sheikhal ee wadamada europe,america iyo emaradka oo kudhawaaqay gudi waxbarasho
Jilibweyn, Media center 29 mars ,

jaaliyadaha besha sheikhal ee wadamada europe,america iyo emaradka oo kudhawaaqay gudi waxbarsho oo kaalin kagaysta da'yarta waxbarashalaantu kahabsatay ee degaanka raaso.


(jilibweyn online)xiriiro goni gooni ah iyo kulamo ay wada yesheen, waxgaradka,aqoonyahanda,dhalinyarada,haweenka, iyo culumo awdiinka besha sheikhaleed ee jaaliyadaha dibada iyo kuwa gudaha ayaa kudhawaaqay gole cusub iyo maamul ay ugu magacdareen


- Gudiga Horumarinta Waxbarashada Raaso


(Raaso Educational Development Committee)
gudigan oo kakooban 6 xubnood ayaa loogutalagalay inuu kaalin kagaysto waxbarasha laanta hayasta in kabadan 15000 arday oo dhalinyarada magalada raaso ah.gudigan ayaa shaqadoodu waxay noqon dontaa .




1. Soo ururinta dhaqaalaha iskuulka lagu socodsiinayo
2. Dabagalka iyo la xisaabtanka sida dhaqaalaha loo maamulayo.
3. isku xidhka golaha guud ee deeqbixiyayaasha iyo maamulka fulinta ee iskuulka.
4. soo gudbinta warbixin 4 biloodle ah oo kakooban
- dhaqaalaha (wixii baxay iyo waxa harsan)
- Waxbarashada (waxa qabsoomay iyo waxa qorshaysan)
- Arimaha Bulshada
-arimaha cafimaadka IWM

gudigan oo isagu kushaqayn doona si mutadawacnimo ah oo lacag laan ah ayaa isku xilsaaray iskood inay wax uqabtaan badbadiyaana mustaqbalka jilka yaryar ee degaanka raaso.
gudoomiye kuxigeenka gudiga horumarinta waxbarashada raaso mudane DR c/raxmaan yousuf jibril ayaa tibaax mar ulahadlay maamulka iyo waxgaradka raaso in arinta waxbarashada ay kalin kagaysan donaan inta karaan koda ah hadii lahelo dad si dhab ah uwada hawsha oo ulajedo dadka gudaha joga iyo kuwa dibada oo iskuxirma .
diyaarna uyihin inay badbadiyaan mustaqbalka jilka yar yar ee waxbarasho laantu kuhabsatay.
sidokale maamulka dagmada raaso iyo bulshada kudhaqan iyo dhamaan jaaliyadaha besha sheikhal ku abtirsada ayaa soo dhaweyay talabadan ay qadeen jaaliyadahu.
gudigan 6 xubnood ah ayaa kasookala jeeda

wadamada :-
america 2xubnood
europe 2xubnood
emardka 1xubin iyo
africa 1 xubin
Dr c/raxmaan yousuf jibril oo ah kuxigenka gudiga horumarinta waxbarashada raaso ayaa ugubaaqay dhamaan jaliyadaha ku abtirsada besha inay tageraan mashruuca waxabarsho ee degaanka raaso larabo in laga hirgaliyo ..

hadii mashrucan hirgalo waxaa hubaal ah in mashrucan uu unoqon doono bilow mashruucyo badan oo magalada laga sameeyo saas waxaa yiri kuxigeenka gudiga horumarinta waxbarashada DR c/raxmaan oo kucelceliyay in qofna ayna danbi ku ahayn in umad masakin ah wax loqabto oo hadana ah qarabadiisa ah.

magalada raaso ayaa sii wayn loga daremidonaa hadii uu hirgalo mashruucan waxbarashado iyadoo hore ay uga socdaan mashruuc yo kalee oo ah sida,hospitaal guud oo magalada yelato,iy mashrucyo yaryar oo xaga beraha ah

magalada ayaa dhaqalae ahaan aad ulidata iyadoo magalada ay saamayn wayn kurebtay abarta iyo biyo laanta kajirta gud ahaan degaanka kilil5aad ee dalka ethiopia gaar ahaam magalada raaso

by:- sayid raaso

Jilibweyn Media Center Somalia
E-mail us: jilibweyn@gmail.com
Email Us: jilibweyn@gmail.com


 

©2007Jilibweyn ®All rights reserved.