 14-Dec-jilibweyn.com Neeftu waan cudur saameeya mareenka hawada (Airways) oo ah dhuumanka sanbabada geeya hawada kana soo qaada. Mareenka hawada ayaa barara amaba mararka qarkood ay xiraan xab (Mucus) oo hawadii ay ku noqotaa cariiri taasoo sababta dareen neef yaraan oo ay markaas kugu adkaato in aad si caadi ah u neefsato.
Sideen u ogaan karaa in aan neef qabo?
Haddii aad neef qabto waxaad isku arkaysaa:
· Qufac, gaar ahaan habeenkii iyo markaad jimicsi suubiso (After exercise)
· Xabadka oo aad ka dareento cabursanaan (Chest Tightness)
· Neeftuur ama neefta oo kugu yaraata xitaa adiga oo aan suubinayn wax jimicsi ah (Shortness of breath).
· Marka aad neefsanayso ama neefta tuuraysid (breath in and out) oo aad samaysid dhawaaq xiiq ah (Wheezing).
Haddii ay kugu adkaato neefsashada, waa in aad aadaa dhaqtar asaga ayaa kuu sheegi kara in aad qabto neef iyo in kale.
Maxaa keena Neefta?
Waa adagtahay in si hubaal ah la yiraahdo waxaasaa keena, laakiin inta la ogsoon yahay waxyaabaha keena waxaa ka mida:
- Haddii waalidiintaa ay qabeen neefta, aleerjiyada ama cuncun, adigana waa u badan tahay in cudurkan neeftu kugu dhacdo
- Nolosha ama sida aad u nooshahay tusaale ahaan guriga ama hoyga aad degan tahay, raashinka aad cunto iyo deegaanka (Environment) aad ku nooshahay sida uu nadiif yahay waxaasoo dhan saameyn weyn bay ku leeyihiin in uu kugu dhaco cudurkan neefta.
- Carruurta waalidkood sigaarka ama shiishada / beebka caba halis bay u yihiin in ay neefta ku dhacdo
- Waxaa kaloo baaritaan lagu caddeeyay in hooyada sigaarka cabta inta ay uurka leedahay in canugeeda qatar ugu jiro in uu qaado neef noloshiisha dambe.
- Hawada wasaqeysan (Environmental pollution) sidoo kale ayadana qeyb bay ka qaadataa keenidda cudurkan.
Maxaad suubinaysaa hadday kugu dhacdo neefta weerarka ah (Ashma attack) ama neef kugu soo boodo. - Qaado daawadadaada dhuuqidda (Inhaler) sida saxda ah ee laguugu soo qoray
- Fadhiiso oo ha jiifan (do not lie down) iskana bixi ama iska dabci dharka kugu dhegan (Tight clothing).
- Haddii aadan isla markiiba wax roonaana iska dareemin ilaa shan daqiiqo, halkii daqiiqaba hal mar jiid daawadaada ilaa inta aad ka soo fiicnaanaysid.
- Haddii shantaas daqiiqo wax isaga garanweysid, wac dhaqtarkaaga sida ugu dhaqsaha badan siina wad daawadaada daqiiqadiiba inta gargaar kaaga imaanayo.
Maxaad suubinaysaa haddii aad joogto meel miyi ama tuulo ah oo aad aragto qof neeftii ay ku soo booday (asthma attack) oo aanana haysan wax daawaddii dhuuqidda ah (Inhalers) ?.
Xalka ugu haboon waa adigoo hela wax uu ku neefsado sida (paper bag) warqad godan oo sida kuwa wax lagu qaato oo kale ah ama wixii la mid ah sida aad ka arki kartid sawirkan hoose. Isku day in aad qalbiga u dajisid inta caawimaad kaaga imaanayso amaba aad ka geeysid meel uu ka heli karo gargaar degdeg ah.

Waxaa soo diyaariyay Careys Axmed, London s.hassen@tiscali.co.uk.
Afeef: Qoraaga mowduucan ma ahan dhaqtar. Waxaa uu ka soo baxay gargaarka degdegga. (Qualified First Aider).
|