Seynisyahan u dhashay dalka Canada ayaa gacantiisa ku sameeyay gabar boombalo ah,(Robot)taasoo uu ku talo-jiro inuu guursaddo mustaqbalka.
 Seynisyahankan oo lagu magacaabo Le Trung,ayaa sheegay in gabadhan-robotka ah ee magaceeda la yiraahdo (Miss-Aiko) saaxiibtiis ,ay taqaan raashinka iyo cabtitaanka noocyadda uu jecel-yahay ee dookhiisa ah.
Gabadhan robotka ah ayaa dareemeysa qofkii korkeeda waxyeelo u geysto,iyadoo xanaaq iyo qeylo oogu jawaabeysa,qofkii doonaya inuu amar la,aan salaaxo oogadeeda,qaasatan qofkii salaaxa naasaheeda.
Haweeneydan robotka ah ayaa durba waxaa ka maseeray dumarka dalka Canada,iyagoo qeylo-dhaan ka muujiyay in la laga hortago,arintan,kadib markii ay maqleen,in gabadhan ay tahay raaliyo 24-ka-saac gurigeeda joogta,wareeg iyo qaraabo salaana aan u socon,isla-markaana diyaar u-tahay inay u hogaansato amarka ninka sameeyay,iyadoo mar-walba oraneysa (Yes my lover)afkeedana lagama yaabo inuu ka soo baxo ereyga ah (no)waa sida uu ku faanayo ninkan sameeyay robotkan jaceylkiisa noqonaya.
Seynisyahankan ayaa saxaafadda Canada u sheegay inuu xaraashay gurigiisa iyo gaarigiisa si uu mashruucan oogu guuleysto,wuxuuna xusay inay ku-baxday sameynta iyo naash-naashka gabadhan aduun gaaraya 30,000-Dollarka Mareykanka ah.
Dadweynaha dalka Canada ayaa qaar soo dhaweeyay fikradan,iyagoo sheegay in laga nasanayo kibirka iyo is-qaadka qaadka dumarka,halka qaarna ay sheegeen,inuu ninkani uu ku jees-jeesayo abuuritaanka Ilaahay,waxayna oogu digeen inuu joojiyo talaabadan aan ku wanaagsaneyn hab-dhaqanka beni-aadanka.
|
|