 5-Dec-jilibweyn.com- Sida uu baabuurku ugu baahan yahay shidaal ayaa jirka bini aadamku u baahan yahay cunto. Cuntadaas aad cuntay ayaa jirku u bedelaa nooc quwad ah oo loo yaqaan sonkor (Glucose) taas oo gasha dhiiga. Beeryarta (Pancreas) ayaa waxay suubisaa wax la yiraa insulin oo ah hormoon ku caawiya sonkorta in kuu ka wado dhiigga oo geeyo unugyada jirka si aad u hesho tabar aad ku dhaqdhaqaaqdo. Haddii jirkaagu uusan sameyn insulin ku filan amaba insuliinkii aysan u shaqeyn sidii loogu tala galay, sonkortii ma gali karto jirkaaga oo waxay iska fadhiisanaysaa dhiigga taasoo sababaysa in cabirka sonkortaada kor u kacdo dabadeedna kugu dhaco cudurkii Sonkoroowga. Waa maxay calaamadaha lagu garto Sonkoroowga?Qof walba si gooni ah ayauu u saameeyaa, inta badan calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah: - Oon ama haraad tiro badan
- Kaadi tiro badan
- Daal iyo baahi tiro badan
- Culayskaaga oo is dhima si lama filaan ah
- Dhaawac ama nabarka oo aan dhaqso u bogsoon
- Cagta oo aad wax ka dareemi wayso ama aad ka kabaabyooto
- Aragti caad leh
- Kacsi la`aan
Noocyada kala duwan ee Sonkorowga
Waxaa jira noocyo kala duwan oo sonkorowga ah , saddexda ugu waaweynse waxay kala yihiin:
Nooca Koowaad (Type 1 diabetes). Waa marka jirku uu soo saari waayo wax insulin ah. Waa nooca ku tiirsan insulin (Insulin-dependent), wuxuuna caadiyan ku dhacaa carruurta iyo dhalanyarada ay da`doodu ka hooseyso afartan (40) jir.
Nooca Labaad (Type 2 diabetes). Wuxuu dhacaa marka beeryaraydu ay soo saarto waxoogaa insulin ah oo aan ku filnany amaba insulinkii uusan si fiican u shaqeynayn. Waa nooca ugu caansan Sonkorowga, inta badana wuxuu ku dhacaa dadka miisaankoodu sareeyo ama ka weyn afartan (40) jir. Waxaa kale oo jira nooc kale sonkorowga ah oo la yiraahdo Gestational diabetes mellitus (GDM). Wuxuu ku dhacaa haweenka inta ay uurka leeyihiin marka ay dhalaana wuu ka baxaa. Inkastoo hooyada uu ku dhaco cudurkan ay qatar ugu jirto in uu ku dhaco Sonkorowga nooca 2aad hadhow nolosheeda dambe.
Sidee lagu daweeyaa Sonkorowga?
Ma lahan wax daawo ah, laakiin waxaa lagu xukumi ama lagu kontorooli karaa adigoo:
· Si joogta ah u qaadatid daawooyinka laguu qoray ( Medication/ Insulin). · Qaadatid cunto dheelitiran (Diet) · Samaysid jimicsi ama cayaar (Exercise). Maxaad suubinaysaa haddaaad aragto qof uu ku soo booday xanuunka Sonkoroowga?Jirku wuxuu si joogto ah isugu dheeli tiraa sonkorta iyo insulinka. Waxaa jira labo xaaladood oo qofka sonkorta qaba la soo deristo oo haddii aan si dhaqso ah looga gaarin keeni karta in uu galo kooma. Mid waa sonkorta oo yaraata (Hypoglycaemia) tan kalena waa sonkorta oo badata (Hperglycaemia).
Sonkorta oo yaraata (Hypoglycaemia) waxaa keeni kara adigoo:
· aadan wax cunin amaba aadan qaadan cunto kugu filan · uu kugu dhaco shuban iyo matag · aad sameyso jimicsi badan (too much exercise · aad qaadato insulin dheeraad ah amaba daawooyinka afka laga qaato (Oral medication).
Calaamadaha lagu garto qofka ay sonkorta ku yar tahay waxaa ka mid ah:
· Baahi, lalabo iyo madax xanuun · Wareer, jareyn iyo tabardaro · Suuxdijn, qaboow, dhidid iyo xanaaq · Wadna garaac daran iyo dabeecad is beded badan · faruuryaha iyo carabka oo aad wax ka dareemi wayso.
Haddii qofku uu miirqabo, awoodana in uu wax liqi karo, sii cabitaan leh macaan.
Xaaladda labaad waa marka heerka sonkortu sareyso (Hyperglycemia). Waxaa keeni kara marka:
· Aad cuntid raashin badan · Aad jirato amaba kugu dhacdo infection · Aad hilmaanto daawadaada · Aadan suubin wax ciyaar ama jimicsi ah.
Calaamadaha lagu garto qofka sonkortiisu kacsan tahay waxaa ka mid ah:
· Haraad ama oon badan · Kaadi joogto ah · Tabardaro, daal iyo af ur · Wareer iyo calool xanuun · Aragti caad leh iyo neefsasho saaida. Sidoo kale haddii qofku miirqabo sii biyo aan lahayn macaan si qofku jirkiisu u qalalin amaba biyaha uga dhamaan. Haddii aadan hubin in qofku sonkorta ku badan tahay ama ku yartahay waxaa haboon in aad wax macaan siiso waayo haddii awalba sonkorta ku badnayd wax dhibaato dheeraad ah keeni mayso. Waxaa soo diyaariyay Careys Axmed, London s.hassen@tiscali.co.uk.
Afeef: Qoraaga mowduucan ma ahan dhaqtar. Waxaa uu ka soo baxay gargaarka degdega. (Qualified First Aider). |