 Cudurka Stroke waxaa sababa xididada dhiiga gaynaya maskaxda oo qalaqala. Qalqalkan waxaa keeni kara labo arrimood: dhiiga oo xinjirooba ama guntaba oo sidii loogu talagalay aan u dareerayn amaba xididka dhiigga oo dilaaca dabadeedna dhiig ku fura maskaxda . Maskaxdii ayaa ka dib waxaa ku dhaca hawo la`aan (Oxygen) taasoo dhaawacda ama disha unugyada maskaxda ayadoo sababta in qaybo ka mid ah jirka ay gabaan shaqadooda amaba naafoobaan. Cudurkani wuxuu caadiyan ku dhacaa dadka waaweyn, laakiin cid kastaa ayuu haleeli karaa, waxaana inta badan keena dhiigga oo kor u kaca, cabidda sigaarka, sonkorta iyo cudurada wadnaha oo aad qabto. Inta da` kuu sii kordhaysaba, qatarta cudurkana waa sii siyaadaysaa. Cudurkana waa mid ha lis ah oo haddii aan si dhaqso ah loo daweyn gaarsiin kara jirka dhaawacyo adag. Daqiqad kastoo oo ku dhaafta halisteedeey leedahay, ha fududaysan ee si deg deg ah u raadi caafimaad. Maxaa lagu gartaa cudurka?
Cudurka waxaa lagu gartaa calaamadooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin:
· Hal dhinac oo jirkaaga ah sida wajiga, gacanta ama lugta oo aad wax ka dareemi wayso ama aad dhaqaajin kari wayso - Aragtidaadi oo yaraata. Gaar ahaan hal il oo aad wax ka arki wayso
- Hadalka oo ku dhiba
- Wareer iyo adigoo u dhacdhacaysid sidii qof cabsan oo kale.
- Madax wareer aad u daran.
- Dhareerka oo aad ceshan karin.
- Kaadida iyo saxarada oo aad ceshan wayso.
Sidee looga hortagi karaa cudurka?
Cudurka waxaa looga hor tagi karaa adigoo: - Si joogto ah isaga cabirtid dhiig karka (Blood pressure)
- Joojisid sigaarka haddaad cabto.
- Sameeysid jimicsi (Exercise) joogto ah
- Iska ilaalisid amaba kontorooshid cudurka sonkorka (Diabetes).
- Iska yareeysid subagga (Cholesterol)
- Cuntid raashinka ay ku yar yihiin cusbada.
Talaabooyinka aad qaadaysid haddii aad aragto qof uu hayo cudurka.
- Wac Ambalaaska sida ugu dhaqsaha badan
- Jiifi bukaanka adigoo kor u qaadaysid madaxa iyo garabka una dhig barkin ama wax jilacsan.
- Ka dabci dharka ku dhegan
- U jaleeci bukaanka madaxiisa dhinaca uu u dilqayo.
- Hubi in uu bukaanku neefsanayo,
- Ha siisin bukaanka wax cunto ama cabitaan ah.
Hubi in bukaanku neefsanayo.
Haddii hunguriga ama dhuuntu furnayn, waa in aad bukaanka u dhigtaa sida sawirkan hoose uu muujinayo si aad uga daadiso mataga, dhareerka ama carabkiisa xiraya wadada laga neefsado. Sodon daqiiqo oo kastaba dhinaca kale u gadi, lana soco oo isha ku haay wax isbedel ah.

Haddii bukaanku uusan neefsanayn, suuxsanyahayna waa in aad:
uga riixdaa xabadka sida ku cad sawirkan soddon goor (30 Chest Compressions) oo aan kala go` lahayn. Ku celceli inta gargaar caafimaad (Ambulance) kaaga imaado, bukaanka ka soo naaxo amaba adigu aad daasho.

Waxaa soo diyaariyay Careys Axmed, London s.hassen@tiscali.co.uk.
Afeef: Qoraaga mowduucan ma ahan dhaqtar. Waxaa uu ka soo baxay gargaarka degdega. (Qualified First Aider).
|
|