1) Sidii geel harraadoo
1. Sidii geel harraadoo wax badan hawdka miranaayey
2. Oo haro la soo joojiyoo kureygu heegaayo
3. Oo hoobey loo qaaday iyo hadal Walwaaleedka
4. Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
5. Hadday hawl yaraan idin la tahay aniga way hooge
6. Ayadoon xabaal lagu ham siin waanan ka hadhayne
7. Hammada beena baan idhi malaha waad la hurudaaye
8. Hareertayda oo madhan is idhi haabo gacanteeda
9. Goortaan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
10. Hogaansigeedii dambaan soo habaabiraye
11. U haylhaylay gogoshii sidii halablihii Aare
12. Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye
13. Haab-haabtay labadii go'oo shaadhkii maan heline
14. U hamiyey sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene
15. U handaday sidii geel biyaha hoobay loo yidhiye
16. U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
17. U hiqleeyey sida naag la yidhi huray dalaaqdaaye
18. Wax aanad haynin ood ku hammidaa hadimo weeyaane
19. Ho-heey iyo Ho-heey maxaa hadimo la ii geystey
2) Hubiyey kaygiiye
1. Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay hayso
2. Ama lebiga Hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey
3. Oo haadku dhaafoo shimbiro cimilo goor heesa
4. Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye
5. Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan dheere
6. Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye
7. Oon heer-kastay qurux katahay hawlin taa kale e
8. Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale
9. Qaarbuu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye
10. Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawr-jeere
11. Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan
12. Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane
13. Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey
14. Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya
15. Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin
16. Sankaagaa hanaankiyo qorshaha hadiyed loo siiyey
17. Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
18. Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
19. Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay
20. Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
21. Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
22. Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
23. Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen
24. Gobonimo haddii laga hadlana waa hirsood runa he
25. Hoo iyo waxsiin waxa ka roon haab garaab qaba e
26. Adiguna hantiday oo caqligu waa hub kuu dihine
27. Hadaaqaba ma dhaameen haddaan hadalku toosnayne
28. Hayeeshee warkaad hurin taqaan haa adoon odhane
29. Mar hadaad hufnaan gees kastaba aad ka hanaqaaday
30. Adigey hibaaqeey naftani heegan kuu tahaye
31. Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaaye
32. Hanfigiyo kulayl-kiyo haddaan halowga soo jiidho
33. Oo aanan haabkiyo dhabtiyo laabta kugu haynin
34. Ma'haraado oonoo biyaha hoos uma dayo e
35. Haamadayga dhaxanta cabaar hooy kama galo e
36. Hawlaha dalkeygiyo xilkaan baaye hananaayey
37. ku habsaamay taadii markaan taydi hoos dhigaye
38. Magaalada hareertaad ka taal eed u hoyonayso
39. Inaan helo haddii aan yartaay haabka aan geliyo
40. Aaweey hubqaad wacan anaan hadal cid weydiinin
41. Hillaacaan sidiisii maraa hagida aad taale
42. Haatufkaan sidiisii walaal ku hor imaadaaye
43. Haddii aan haddeen gelin intaan dunida hoos joogno
44. Inaan kaa hawoodaa marnaba waa habeen tegeye
45. Hayeeshee Illaah baa hayoo calaf ku hoos yaale
46. Haddaan Eebe hoo odhan wuxuu u hunguroonaayo
47. Qofna abid ma soo helo wuxuu haari ku ahaaye
48. Haddii aynu kala haayirnoo laysu hiran waayo
49. Oo aan Hibaaqeey nasiib adiga ii haynin
50. Nacas hayle-foosh iyo qorqode garan hagaaggaaga
51. Midaan ku hidda-raacayn asaan haybed kugu beerin
52. Urdun xumaha hanfiifsada kolkay hawli soconayso
53. Haddii talada aan hayn lahaa kuma horgeeyeene
54. Waxba yaanan sii hadaltiyeyn hadalka qaarkiiye
55. Ihaleel jacaylkii intuu soo hamaansadaye
56. Heensiyo hubkaa laba dhacuu igu hogaanshaaye
57. Hayin aan biyaha daadin iyo iga dhig hawl-mooge
58. Dhulka meesha hodaniyo nimcada igu ag hayn waaye
59. Hogob laga hayaamiyo cidluu ila hadaafaaye
60. Hiil qodaxle iyo jeerin buu igu hagaajaaye
61. Waxaan hadimo soo maray waxaan halowyo soo meeray
62. Hohi cabasho weeyee mar qudha hiiftan maan odhane
63. Halbawlahaad i heertiyo lafahan hilibku naafoobey
64. Nabaradan bog hoosiyo wadnahan halac ka oogaaya
65. Haddii aan ku helileey bogsoon haarta qoomaniye
66. Waa hubaale hays odhan wax buu kuu hadoodilaye
67. Waa hadal nin waayeeli yidhi hiila kaa raba e
68. Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu harraad qabaye
69. Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu hadfee lumaye
70. Waa hadal ka soo baxay ninkaa soo hiloow ku lehe
71. Waa hadal qofkii la hordhigaa oohin hoorsadaye
72. Waa hadal qofkaan caashaq helin hawlyaraan la'ahe
73. Waa hadal markaan kugu hamiyey aan higaad qoraye
74. Waa hadal wax badan baan habraye uurku hayn karine
75. Waa hadal halkaad igaga taal hoo ogoow ku lehe
76. Waa hadal hayii kugu lalabay soo halaan-halaye
77. Caashaqa hareertaada qabo hubiyey kaygiiye
3) Dayax iiga muuqdheer
1. Nimanyow dabuub gabay beryahan kuma danuukhayne
2. Kolba aniga oo daayey baad igu diraysaane
3. Idin diidi maayee waxaan dood u celin waayey
4. Mid duushoo yarbaa Eebahay iigu daw galayey
5. Aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba
6. Dalaalimo habeenkii haddaan meel dudo ah seexdo
7. Dayax iiga muuqdheer midduu duunku caashaqaye
8. Iga daaya hadal qaadkeedu waa iiga darayaaye
4) Sahwi
1. Marka horeba anigaa sahwiyey Ina-Adeeroowe
2. Ooduba xigtay leedihiyo ubaxa geedaaye
3. Abtiyaaladay baa ii ekaa inaan adeecaaye
4. Ammaantii Ugaadh Cumar lahaa Ereg maxaa geeyey
5. Qaar hooyaday u eedo tahoo aada baa jira'e
6. Allahayoow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday
7. Ama darayo Oodweyne way omos badnaayeene
8. aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene
9. Abaaraa ku doogoobi laa erayadaydiiye
10. Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday
11. Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye
12. Wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale'e
13. Waa laygu eemaray cishqiga inan ku ooyaaye
14. Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday
15. Ahabtaba ma galo ruux hadduu aamin-goys yahaye
16. Axdigaad ka booddaa janada oodda kaa rogaye
17. Adigiyo ashahaadaduna waysku Alla seegtaane
18. Ha u qoonsan aakhiro waxaad urursataa yaale
5) Hillaac
1. Inaadeer hagaagtaye haddaad hilinka sii qaadid
2. Hataq iyo Illaah kuguma rido hogobihii Sheekhe
3. Mid hubsiimo badan baad tahoo halo la siiyaaye
4. Adigaan halyeey kuu gartiyo horintii Daa'uude
5. Hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye
6. Hurdadana habeenkii maledo hadiyo waagiiye
7. Sida hoorimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye
8. Waa lay horjoogaa sidii horudhacdii geele
9. Inaan haybis keed dhigay hadday Hodan i moodeyso
10. Gabdho kale oo aan haasaawiyaa wayga haniyaade
11.