 DAWADA IYO QARAABADA XILLIGA AY SI WAX YIHIIN AYAA LOO BAAHAN YAHAY. {QEYBTA 9AAD} Inkastoo Dad badani ay Aaminsan yihiin in Ciwaanka dhambaalkan asalkiisu uu yahay maahmaah Itoobiyaan ah, haddana dhambaalkan waxaa qoray Nin u dhashay dalka Faransiiska. Hala yaabin in maah-maah Itoobiyaan ah ay saamayn ku yeelato qoraal Faransiis ah, waayo Itoobiya waa dowlad qadiimi ah oo xadaarad fog leh, sidoo kale waxaa laga yaabaa in ninka dhambaalkan Qoray ee Faransiiska ah uu booqday Itoobiya sidaasna ku soo min guuriyay maah-maahda Itoobiyaanka ah oo uu qoraalkiisa u adeegsaday, waxaa kale oo laga yaabaa in ujeeddada dhambaalka iyo maahmaahda ay is waafaqeen oo aanay wax xiriir ahiba ka dhaxaynin balse isku soo aadeen. Qoraha dhambaalkani wuxuu si aad iyo aad ah u jeclaa gabar ay qaraabo ahaayeen oo si kasta oo uu ula hadlay iyo tab xeelad kasta oo uu jacaylka waafaqsan u degay way u soo gacan haatin weysay, weliba isagoo aan ku ogayn in qof kale xiriir Caashaq la leedahay ayayku gacan seyrtay. Markii uu u caal waayay ayuu ugu dambeyntii ugu soo gurmaday dhinaca Qaraabeynimada oo uu is yiri ku beer dulucso, waxaana la xaqiijiyey in markii uu dhinacaa u adeegsaday uu ku guulaystay soo hanashadeeda. Dhambaalkan oo u qoran qaab suugaaneed waxa uu ka gaaban yahay dhamabaalkii ay qortay gabadhii Maraykanka ahayd ee qortay dhambaalkii ay ugu magac dartay "Nabaday ilaa waligeed" sababta loogu daray 10-ka dhambaal ee waarayna waxay tahay baa la leeyahay isagoo adeegsaday hadalo xeelad u badan iyo ereyo Murti leh oo culeys saamayn leh abuuraya. Wuxuuna qoraalkaasi u qornaa sidatan:- =Qaraabada awood malaha, haddii aad beegsato qabriga, balse intaad qeylineysay wax kuu qaban karaayaane. =Qoomkii ku weerara ayay qalab u qaataane, doodey ka qeyb galaan haddaad qolo is qabataane. =Qaraabadu qeyb lixaad bay ka qaadataa doobkii rag ag ahi & gabadhaan qurxooneyn in ay Qoys ka yeelaan. =Aniguna khiyaastii qeylo doonka aan wado, qasadkisu wuxuu yahay qaaliyey inaan mar uun ku helaaye. =Walaashediyey mar haddaan qaraabiyo isku qoomba nahay qaab kale ma heysto iyo qiil kaloo ii furane, intaan Qabriga ley dhigin qiimaha walaalnimo ii eegoo, qunyar ii qaabil. =Qudha yaanay iga bixin ileyn qatar ayaan ku suganahay ee qalbiga qabooji, qaali mid adiga ku dhaanta Dunidan qeyb uma heline.
Waxaa hubanti ah, oo la cadeeyey in markii dhambaalkani ay aragtay inantii wiilkaa diiday inay uur dabacday kadibna nasiibku u saamaxay in uu guursado laakiin nasiib darro labo sano kadib ayay ka geeriyootay, waxayna u dhashay hal wiil oo loogu waqlalay Astaanta jacaylka.
Waxaa Qoray:- Max'ed abdillaahi abdille {diyeeshe} |