 ANIGAA QALDAMAY WAANA QIRAYAA!! {QEYBTA 7AAD} Dhambaalkan waxaa qoray wiil u dhashay Qowmiyadda loo yaqaan Hindida Cas-Cas ee Cariga Mareykanka ku nool, qowmiyaddaas oo ka mid ah dadka Adduunka iskula qabka wayn, balse Sharafta Qofka aad u dhowra ayaa wiilkaasi waxa uu xiriir jacayl la samaystay gabar aad u bilic Qurxooneyd oo joog iyo Jamaalba uu Ilaahay siiyay, Qurux Dumarna oo dhanna aan laga hagran, iyadoo weliba Quruxda loo sii raaciyey Aadaab, Asluub wanaag & Sharaf isla markaana daacadnimada ku wanaagsan. Wiilkaasi isagoo gabadhaa sharafta badan xiriir la leh iyana ay si aad ah qalbiga ugu xafiday ayuu rag damac badni ma daayee gabar kale u hanqal taagay oo uu rabooday, gabadhaasoo saaxiib kale lahayd, balse uu xilligaa saaxibkeed safar kaga maqnaa, waxayna garatay oo ay is tusisay inta uu saaxibkeed ka maqan yahay inay wiilkan howtul hamaga ah ku sii madadaalato iyadoo danaheeda gaarka ah ku sii fushanaysa. Wiilkii wuxuu dareemay in gabadha uu jeclaaday aysan dan iyo heello ka lahayn oo wax tixgelin ah uusan ku heysan, ereyo macaan kasta oo uu u isticmaalana ay ugu abaalayso hadalo Arxan darro ah, iyadoo u muujinaysa in uu isagu dan leeyahay oo jacaylka uu wato, loogana baahan yahay in uu kasbado, wax kastana uu u huro una dulqaato. Gabadhii uu horay jacaylka ugu Abuuray wiilkaasi weli way ka dhur sugeysaa oo isagay u sii hanqal taagaysaa isagana middan ka indho dadban ee danta ku wadata ayuu u hanqal taagayaa {Nin meeli u caddahay meelna ka madow dahay} ayuuna xaalkiisu noqday, balse markii uu xaqiiqda ogaaday ee gabadha uu jeclaaday inay u soo jeedin arkay, isla markaana uu ka war helay inay nin kale jeceshahay, middii uu dayacay ayuu u soo rajuucay dhambaal cabasho ah oo raaligelin ah ayuuna u qoray taasoo uu u qoray sidan:- =Gabaryahay ruuxii uu Caafimaadku deeqi waayo, wax-yeeladaa ciriiri ku ahaata. =Ruuxii aan aad u fakarina khalad kama fogaado. =Ruuxii aan sharaftiisa ilaashana ogow in aan la helayn ruux kale oo sharaftiisa u dhowrta. =Ruuxii aan ka taxadarin in la yaso ama la caayo ogow inuu u dambeyn doono yasmo. =Ruuxii hubsiimo la'aan wax u sameeya ama damaciisu bato ogow waa howtul hamag. =ugu dambeyntii walaasheydii qaaliga ahayd waxaa i heysata murtida ah "Qosolka iyo kajanka aad ku dhaafto marwada ku jecel ee aadan tixgelin waxaa abaalgudkeeda ahaada yasmo ka soo gaarta qof aan ku jeclayn oo aad iska daba rido, Magac iyo Muunana kuuhayn" ee gacaliso iga raali ahow waan qaldamay waana qirayaa qaladkeyga waana is bar qabtaye.
QEEYNTII KOOWAAD: http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=206
{QEYBTA 2AAD} http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=216 QEYBTA 3AAD
http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=225 QEYBTA 4AAD.
http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=239 QEYBTA 5AAD. http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=252
COWRADA KA LEEXI {QEYBTA 6AAD} http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=278
ALLE WUU ARKAA WUUSE U KAADINAYAA. W/Qoray:- Max'ed Abdillaahi Abdille {diyeeshe}. |