 NABADAY ILAA WALIGEED. {QEYBTA 5AAD} Dhambaalkan oo ku jira kuwa ugu gaaagaaban dhambaalada jacayl ee waaray ahna kan ugu nuxurka iyo go'aan gaarista adag waxaa qortay Gabar dhalashadeedu Maraykan tahay oo ka mid ah gabdhaha dharka xayeysiiya oo Aalaaba lagu soo xulo joogga, jamaalka iyo Quruxda. Gabadhani waxay jaclaatay wiil dhigeeda ah oo dhinac walba uga muuqday inuu deeqay ilaa Qalbiga iyo Niyadda ay wada amaahisay, isaguna marka la eego jacaylkiisa uu ka haa afka baarkiisa iyo niyadda u dhis, iyaduna ay iska Aamintay. Waa jacayl iyo Lugooyadiisee gabadhaasi waxay ku naanaabtay wiilkaas aan qiimaha jacayl wax ka aqoonin ee dabeecadda iyo dookha ka dhigtay in uu ku raaxaysto oo ka maqsuudo Dumarka, gaar ahaan wuxuu dareenkiisa soo jiidasho siin jiray hablaha Qurxoon iyo kuwa Qoysaska Ladan kasoo jeeda ee uu arkayay in ay isla weyn yihiin, isagoo qurux raggeed lahaa ayuu qalbiga ka xadi jiray oo jacayl been abuur ah ku abuuri jiray isagoo si gaar ah u ugaarsan jiray hablaha loo caal waayay ee rag badan ku daadiyay isagoo hablahaas marka uu soo geliyo Shabagadda jacaylka sida Liintii u muudsan jiray marka uu ka bogtana sida Qolofka Liinta ee uu ka bogtay oo kale u tuuri jiray, wuxuuna ahaa aftahan ku xeel dheer sida loo xulo weeraha kalgacalka, wuxuuna ahaa xariif, ku dheereeya jiliinka jacaylka been abuurka ah ee runta loo ekeysiiyo. Gabadha jaclaatay wiilkaas si kastoo ay daacad ugu malaysay jacaylkiisa isaguna uu Qiiqa isku qariyaba waxay habeen habeenada ka mid ah goob-joog u noqotay oo si qarsoodi ah u aragtay isagiyoo mid kale la jiifa oo wixii uu iyada u sheegi jiray u sheegaya, Qalbiga Aadanaha aad buu u jilicsan yahaye isla goobtii ayay deg-deg go'aan uga gaartay jacaylkiisa, isaguna maba oga oo sidii hore ayuu arrinka u maleeyaa, waxayna bandow ka saartay goobihii uu ugu imaan jiray ee Shaqada, Guriga iyo Waddooyinkii ay ku kulmi jireen. Markii uu muuqeedii waayay ayuu ogaaday inay fahamtay, markaasuu u qoray warqad uu kaga dalbanayo in ay xiriirka dib usoo celiso isagoo u balan qaaday in uu had iyo jeer daacad u ahaanayo oo uusan khiyaa meynin, markii ay warqaddii gaartay si kajin ah ayay ugu qososhay, markaasay bilowday inay warqad jawaab celin ah u qortay, taasoo ay cinwaan uga dhigtay {Socdaalkii aan soo noqoshada lahayn nabadey ilaa waligeed} taasoo u qormeysa sidan:- "Axmaqyahow waxaad ka mid tahay kooxaha maqaarka shabeelka ee Quruxda badan leh, balse qalbiga Dooliga (Jiirka) ah leh ee xaasidnimada badan, maxaa yeelay waxaad gabdhaha ku soo jiidataa hadalo macaan oo dhinaca wanaaga uun aad ka abaarto iyo dhaldhalaalka wejigaaga qurxoon ee shabeelka haragiisa u eg, laakiin marka aad gabdhaha beentaa daacadda ay moodaan ku soo xero geliso ayaad u isticmaashaa xaasidnimada jiirka oo kale ee xaasidnimada loogu dow galay, waayo JIIRKA QOFKA UU QANIINI RABO WAA UU AFUUFAA. =Waxaan ku mahdinayaa Allihii i tusiyay khiyaanadaada ina fahmsiiyay sirta aan kaaga badbaaday, mana iloobi doono habeenkii talaadadii nasiibdaradii heysatay qoftii ku hoos jiiftay. =Ugu dambeyntii waxaan ku ogeysiinayaa in aanan is arki doonin aniga iyo adiga, haddiise ay dhacdo inaan si kedis ah waddada isugu aragno amaba isaga hornimaadno inaanan ku salaami doonin ee ha isku key ceebeynin, waxaadna ogaataa in aan kaa socdaalay {SOCDAALKII AAN SOO NOQOSHADA LAHAYN}. Sidaas ayuuna beenaalihii jacaylka beenta ku qaraaban jiray ku waayay gabadhii daacada u ahayd isaguna mar dambe ka shalaayay.taasoo kutusineeysa in ay haboontahay in aan been laga sheegin jacaylka ruux daacad kuu ahna aan laga been sheegin oo aan dib loo shalaayin sida ninkaan.
QEEYNTII KOOWAAD: http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=206
{QEYBTA 2AAD} http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=216 QEYBTA 3AAD
http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=225 QEYBTA 4AAD.
http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=239 W/Qoray:- Max'ed Abdillaahi Abdille {diyeeshe}.
|