 WIIL YAHOW WAAN KU JECLAHAY LAAKIIN WAA ADIGOON DHARKA ISKA SIIBIN. {QEYBTA 3AAD} Warqaddan Sadaxaad oo ka mid ah dhambaalada jacayl ee Waaray ee la Xuso waxaa Qortay Gabar u dhalatay Dalka Spain oo naafo ka ahayd qeybta danbe ee jirkeeda, waxaana luga u ahaa Kursiga Cuuryaamiinta oo Alwaax ka samaysnaa, Kursigaas oo farsamadiisu liidatay darteed Shanqar laga naxo ayuu bixin jiray marka ay dhaqaaqayso. Gabadhaas waxaa gurigooda hor marto wado wayn oo badi dadka si aad ah u maraan Subax iyo Galaba, iyaduna maadaama ay Cuuryaan aan shaqo lahayn ay ahayd dadka wadaasi maraya ayay iska daawan jirtay, muddo badan markii ay daawashadaasi ku jirtay ayaa waxay Caashaqday wiil ka mid ah Dadkii wadaasi xili walba soo mari jiray, kaasoo ahaa wiil aad u filsanaa oo ay la dhacday muuqaalkiisa soo jiidashada leh. Magaciisu wuxuu ahaa Romana subaxdii marka uu soo hormaro Gabadha iyo marka uu galabtii sii laabanayo waxa uu si xushmad leh u salaami jiray Gabadha Cuuryaanta ah oo daymadiisa ku indho bikaacsan jirtay, Codkiisa salaanta ahna ku raaxaysan jirtay, Gabadhaas maadaama ay jeclaatay wiilkaas waxa ay bilowday fakar iyo in ay talo rog rogto, waxayna is tustay in ay buuxin karin rabitaanka Romano maadaama waxa ay raggu kadoonayaan Dumarka ka kala dhantaalan yihiin, balse waxay go'aan ku gaartay in ay jacaylkeeda taabsiiso iyadoo aan wax dan iyo hammi ah ugu jirin, in uu ka aqbalayo Duruufta Rabaaniga jirta Aawadeed. Haddaba dhambaalkaasi ay gabadhaasi cuuryaanta ahayd u qurtay wiilkaas Bilicda Qurxoonaa oo ay Caashaqday waxay ugu Magacdartay {Wiil yahow waan ku jeclahay laakiin waa adigoon dharka iska siibin} oo ay ka waday "Taag kuuma haayo xitaa haddii aad aniga dartay dharka iskaga siibto, gabadhaasi ereyada ay dhambaalkaa u adeegsatay oo la yaab ahaa ayay ku tiri "Aniga iguurso, kadibna Naag kale Guurso oo aniga si niyad ah ayaad ii Qabaysaa imana Naagaysanaysid oo waligaa dharka isagama kaysiibaysid, waayo Naag kuuma noqon karo curyaanimadeeda darteed, Naagta kale ee aad guursato ayuun baa Naag kuu noqonayso, aniguna calaa niyo iyo jacayl dartii igu qab. Dhambaalkaa ay u Qortay Gabadhaasi jiista ah ee reer Spain wiilka ay jeclaatay oo lagu magacaabo Romano waxaa ka mid ahaa:- "Hala yaabin Roomaanoow in gabar cuuryaan ah oo qaarka hoose oo dhan naafo ka ah ay ku jeclaato, warqadna ay kuusoo qurto, haddii aan Naafo ka ah jirka Ogow Maskaxda iyo Caqliga Naafo kama ahi, Teeda kale kuguma diidani in Xubinta Taranka tahay tan ugu Muhiinsan marka la soo hadal qaado kalgacaylka dhex mara wiil iyo Gabar, waayo jacaylka nin iyo naakastaa wuxuu kusoo uruuraa oo saldhigiisu noqdaa Falgalka gogosha, aniga taa taag uma hayo waayo dhinacaas naafo ayaan ka ahay, waxaysa u jeedadeydu tahay in aad Romanow qeybta xusuusta maskaxdaada gashatid in waa waayaha ka mid ah ay ku jeclaatay gabar Curyaan ah oo kuu haysa jacayl dhab ah. Romanow intaasi waxaan kuusii raacinayaa adigoo tixgalinaya daruufta igu xeeran iyo qeybta ugu muhiimsan macaanka nolosha oo iga maqan igu xurmee jacaylka aan kuu hayo, igana ogolow in aad gabar kale guursato anigana aad ila gasho meher macaansi la'aan ah, oo nolosha ila qeybso adigoo dharka iska siibayn, kuna iimaanso Qadarta Rabaaniga ah isla markaana Tixgali jacaylka. Fadlan iga soo qaad oo u niyayso in aan Marwadaada ahay, Habeenka aad iisoo Hoyanaysana Salaanta Dhunkashada leh igu kaalmee, Subaxii marka aad baxaysana ii niyayso Sagootinta kalgacalka leh, Qosolka, Sheekada iyo Laacdanka Faraka Cayaarka ah ha igala baqiilin, xiliga Hardanka Sariirtana u niyayso in qofta kula joogtana aan anigu ahay, taas ayaan uga bogan karaa kalgacaylka baaxadda wayn ee aan kuu qabo. Sida taariikhda dhacdadani ay xuseyso waxaa la wariyay in wiilkaas uu ka aqbalay gabadhaas Spain-ka ah qorshaheedii, isla markaana sidii ay ku talisay u yeelay, taasoo iyana niyad dhis wayn u noqotay. QEEYNTII KOOWAAD: http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=206
{QEYBTA 2AAD} http://www.jilibweyn.com/news.php?readmore=216
W/Qoray:- Max'ed abdillaahi abdille {diyeeshe}. |