25 janaayo jilibweyn.com Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaabkii uu uu dhacay Hawgal dhiig ku qubtey oo ay fuliyeen ciidamo gaar ah oo Mareykan ah oo ay ku soo furteen laba qof oo ajaaniib ah oo hawlo samafal ka waday gudaha Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay gobolka Galguduud.Hawgalka waxaa fuliyey ciidamo gaar ah oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka kuwaasi oo ka soo duulay saldhig Mareykanku uu ku leeyahay wadanka Jibuuti, waxaana ay adeegsanayeen diyaaradaha khumaatiga u kaca ee loo yaqaan helicopters-ka.
|