maxaa ka jira in Axmed C/salaan wax ka ogaa, Dilkii loo gaystay Al-Shahiid Aadan Xaashi Cayrow?.
Stockholm, Sweden (jilibweyn.com) 08-May-08
Dhawaan markii la dilay Macalin Aadan Xaashi Cayrow ayaa waxaa isi soo tarayey Eedaymo laga qaaday dad Mas'uuliyiin ahaa oo qaarkood ay Qaraabo la ahaayeen Marxuum Aadan Xaashi Cayrow, waxaana ragaas ka mid ahaa Dr. Max'ed Maxamuud Culusow oo asagu waqtiyadii danbe ku mashquul sanaa kulamo gooni gooni ahaa oo uu lalaa madaxda dalka iyo Itoobiya iyo Sirdoonka dalka Maraykanka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairoobi ee dalka Keenya.
Mr. Max'ed Maxamuud Culusow oo ka tirsan siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaaliyeed isla markaana ay isku Beel ka soo wada jeedaan Marxuum Aadan Xaashi Cayrow ayaa waqtiyo sii horaysay Itoobiya kala hadashay sidii looga takhasuli lahaa Aadan Xaashi Cayrow oo dad badani qabaan in uu Beeshiisa ku shaabadeeyey in ay Argagixiso tahay, waxaana jirtay in Siyaasiyiin uu Culusow ka mid ahaa lagala hadlay sida iyo qaabka ugu fudud ee ninkan lagu khaarijin karo.
Waxaa kale oo asagana tuhun weyn laga qabaa in uu qayb ka ahaa dilka loo gaystay Aadan Xaashi Cawrow ninka lagu magacaabo Axmed C/salaan oo Wasiirka Warfaafinta ka ah dowlada ku meel gaarka ah, waxaana la sheegay in uu asagu soo diray Wafdiga Xamar ka yimid ee kulanka la qaatay Macalin Aadan Xaashi Cayrow oo sida la aaminsan yahay ayagu meesha uga tagay Qalabka Madaafiicda Maraykanka soo hagayey.
Markii lagu guulaystay dilka Aadan Xaashi Cayurow ayaa Axmed C/salaan wuxuu u sheegay Idaacadaha Caalamka in maamul cusub loo samayn doono magaalada Muqdisho, waxaana baaqani ku soo beegmay markii uu dhintay cayrow oo sida la aaminsan yahay axmed is yiri mar hadii cayrow dhintay Soomaaliya nabad baa ka dhalanaysa, waxaana hadalka kasoo yeeray Axmed C/salaan loo qaadan karaa "'Colka iyo Dibiga Ina Naasa cad maxaa kulmiyey"?.
Qaabkan lagu dilay ragii madaxda u ahaa ururka Al-Shabaabka ayaa waxaa kale oo lagu eedeeyey rag culumaa'udiin ah oo Suufiyada reer dhuusa-mareeb ka tirsan oo ayagu dhibaato weyn kala kulmi jiray joogitaanka Aadan Xaashi Cayrow uu ku sugnaa magaalada shuusa-mareeb.
isku soo duuboo, dilka Marxuum Cayrow wuxuu Cirbad sun ah oo laga siibay u yahay dowlada Itoobiya Maraykanka iyo dowlada C/laahi Yuusuf, isla markaana wuxuu dilkiisu Boog aan raysan ku noqon doonaa Kooxaha Xamar ka dagaalamaaya oo badankoodu taageerada ka helaan Qabiilo is biirsaday oo dowlada C/laahi Yuusuf ka soo horjeeda.
C/raxmaan Madaxeey
cadceed_80@hotmail.com
Jilibweyn
Media Center Somalia
E-mail
us: jilibweyn@gmail.com
Email
Us: jilibweyn@gmail.com