|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Jilibweyn, Media center 8 may ,

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo Mudaharaad ka dhigay Hargeysa


Stockholm, Sweden (jilibweyn.com) 08-May-08

Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland ee Kulmiye ayaa maanta iso soo bax ka dhigay magaalada Hargeysa halkaasi oo uu kula hadlay Hogaamiyaha Xisbigaasi ee Axmed Siilaanyo.


Isu soo baxan ayuu Xisbiga Kulmiye ku doonayey sida ay uga soo horjeedaan xil kordhinta wakhtiga uu xilka hayn doono Madaxweynaha Soomaaliland Daahir Riyaale Kaahin, sida uu sheegay Axmed Siilaanyo oo ah Guddoomiyaha Xisbigaasi Kulmiye.

Siilaanyo oo dadka halkaasi isugu soo baxay khudbad u jeediyey ayaa xasuusiyey Xukuumada Daahir Riyaale in wakhtigeeda uu ku egyahay 15ka bishan May.

Xisbiga Kulmiye ayaa ugu baaqay Daahir Riyaale iyo xisbiyada kale in ay wadatashi ka sameeyaan sidii lagu sii maamuli lahaa gobalada Soomaliland kadib marka xilka dhamaado, asagoo sheegay in Xisbiga Kulmiye uusan aqbali doonin in Daahir Riyaale uu xilka sii kororsado.

Axmed Siilaanyo ayaa si weyn u dhaliilay wax uu ugu yeedhay dagaal cad oo ay Dowlad ku qaaday taageerayaasha Xisbigiisa Kulmiye asagoo sheegay in dad shacab ah loo dilay ayagoo mudaharaadaya, kuwa kalena la xidh xidhay ayagoo aan wax maxkamad ah lasoo hortaagin.

Wuxuu sheegay Siilaanyo in Dowladu ay ku tumatay xilkii loo dhiibay isla markaana loo baahan yahayin laga badbaadiyo Somaliland xiisad baahda oo dhinac walba saameysa.

“.. waa inaan isku nimaanaa oo aan ka tashanaa sidii dalka horey loogu sii wadi lahaa, anagoo ka fogaaneyna xiisada ka imaan karta xil kororsiga…” ayuu yiri Axmed Siilaanyo oo sheegay in hadii aan codsigooda la aqbalin keeni karto xiisad weyn oo lamid ah tii ka dhacday dalka Kenya, waa suu hadalka u dhigayee.

Banaanbaxan ayaa lagu soo beegay maalmo kahor xiliga 15ka May oo ah wakhtigii horey xilka ugu dhamaan lahaa Madaxweynaha xilka haya ee Daahir Riyaale Kaahin oo ka tirsan Xisbiga UDUB.

Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale iyo Kuxigeenkiisa ayey bishii hore Golaha guurtida ee Somaliland ugu dareen muddo hal sano ah oo ka bilaabmeysa 15ka bisha May, xil kordhintaasi ayey diideen dhamaan xisbiyada Mucaaridka, arrintaasi oo keentay mudaharaadyo iyo xiisado kale oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Hargeysa.

Jilibweyn Media Center Somalia
E-mail us: jilibweyn@gmail.com
Email Us: jilibweyn@gmail.com


 

©2007Jilibweyn ®All rights reserved.