|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Jilibweyn, Media center 8 may ,

Nayruush iyo Meherajaan -Taxane warbixinno ku saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika


Stockholm, Sweden (jilibweyn.com) 08-May-08

Saamaynta uu kaalenderkii hore ee Persia ku yeeshay habeentiriska soomaalida.


Waxaynu hore u carrabownay saamaynta loo maleeyo in uu kaalendarkii hore ee Persia ku yeeshay habeentiriska soomaalida [Jama Musse Jama, 2005]. Waxaynu si gaar ah u eegi doonaa laba eray oo ku caan ah habeentiriska soomaalida iyo xilliyeyna roobka, oo aynu maqaalada soo socda si qoto dheer ugaga hadli doono. Waa erayada Nayruush iyo Meherajaan. Waxaynu qeexi doonaa labada eray ee afka Farsi-ga ee Persia, oo dhawaaq ahaan ay isku midka yihiin oo kala ah Nawruz iyo Mihrigan.

Nawruz (Naw-ruz) afka Farsi-ga waa maalinta uu bilaabmo sannadka kaalendarkii hore ee Persia, waana bilowga bisha Frawadin ee tirsigaas; wuxuu ku beegan yahay qiyaastii 21(22) bisha maarch ee tirsiimada Gregorianka. Waa marka ay cadceeddu bilowdo inay dulmarto Equinox1 -ka. Sannadku wuxuu ka kooban yahay 365 maalmood oo u qaybsana 12 bilood. Tirsiga kaalendarkani wuxuu ku salaysan yahay qorraxda, wuxuu la kowsaday habeentiriska islaamka ee ku beegan 622 C.D (oo ku beegan hijriyaddii nabi Maxammed NNKH). [S. H. Taqizadeh, 1938]

Erayga Mihrwuxuu u taagan yahay, marka loo eego diimihii casru-jaahiliga ee laga isticmaali jirey Persia, macnayaasha “cadceed”, “heshiis’, ‘naxariis’. Bisha toddobaad ee Sannadka kaalendarkaa Persia iyo maalinta lixiyotobnaad ee bil kastana waxaa Persia laga yidhaahdaa Mihr. Markaa maalinkasta oo bishu tahay 16 waxaa loo dabbaaldegi jirey Mihr-ruz oo macneheedu yahay ‘Maalintii Cadceedda’. Erayga Mihrigan waxa uu asalkiisu kasoo jeedaa halkaas [eeg Warbixino online ah: http://www.persia.pdx.edu].

Sannadka kaalenderkaa hore ee Persia wuxuu u qaybsamaa laba qaybood oo ku salaysan xilli roobeedka. Bilowga jiilaalka oo la yidhaahdo Mihrigan iyo bilowga gu’ga oo la yidhaahdo Nawruziyo bilawga gu'ga oo la yidhaahdo Nawruz, islamarkaana ah bilowga sannadka. Markii ay carabtu qabsatay, ee Persia uu ka dhaqan galay kaalendarkii islaamku, xafladdii Mihrigan way ka sii socotay Persia, waxaana loogu yeedhay afcarabi ahaan Mihrajan, halka xafalddii Nawruz oo ahayd mid ka dheer tan Mihrajan-ka oo cishooyin badan socota la mamnuucay waayo waxaa la samayn jirey caadooyin diinta islaamka kasoo horjeeda oo casri jaahiligii lagu dhiqmi jirey.

Wali Iran xafladdaha ugu waawayn ayay ka mid tahay tan Nawruz-ku. Waxyaabaha wali kasii nool in xafladda Nawruz-ka la sameeyo, gaar ahaan maalinta Arabacada ee u danbaysa sannadka dhamaanaya, waxaa ka mid ah in dadku isugu soo baxaan debedda habeenkaas ilaa fiidka oo inta ay dab shidaan ay ka dul boodaan. Xafladdaas oo la yidhaahdo "Shabe Chahar Shanbeh Suri", waxay dadku ku heesaan,"Ololku waa wanaage ka dul bood dabka, oo iska fogee nasiibka xun", waxay kaloo ku celceliyaan "sorkhiyeh to az man, zardieh man az to" oo macneheedu yahay "(ololyohow) isii midabkaaga cas ee caafimaadka leh, oo iga qaado midabkayga cawlaanka ah".

Hadaba dabshidka, ama dabtuurka, ama nayruushka, carriga soomaalida laga isticmaali jirey [la soco qaybta saddexaad ee taxanahan], macnihiisa ah bilowga sannadka qorraxda iyo kala qaybinta xilliyada roobka, iyo waliba shidista dabkuba waxay caddaynayaan in xidhiidh wayn ay leeyihiin labada habeentiris, oo erayga Nayruush ee soomaligu uu kasoo jeedo Nawruz-ka afka Farsiga ee Persia. Inkastoo aanay isku xilli ku beegnay labada xafladood, hadana waxay labada dhacdo ku beegan yihiin bilowga sannad ee labada carri.

Waxaa kale oo iyana aad u xiisa badan isu ekaanshaha erayada Mehrajaan iyo Mihrigan (oo afcariba loogu dhawaaqo Mihrajan). Waxay taasi iyana xoojinaysaa fikradda ah in dhaqankii Persia uu taabasho xoogleh ku yeeshay cariga soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo xeebta badda casa.

Note: 1-Cilmiga xiddigisku wuxuu ku qeexaa Equinox bar cirka ka mid ah oo ay ku kulmaan khadka qofka dhulkaa joogaa moodo in ay cadceedu raacayso iyo hadhka uu dhul badhuhu ku sameeyo cirka. Si kale marka loo dhigo waa maalinta qorraxdu dul joogto dhulbadhaha, waxaanay ku beegantaa 20-21 Maarj.

Tixraac:

• S. H. Taqizadeh, 1938 Old Iranian Calendars Study Report printed and published under the patronage of the Royal Asiatic Society. http://www.iranchamber.com/culture/articles/old_iranian_calendars1.php

Jilibweyn Media Center Somalia
E-mail us: jilibweyn@gmail.com
Email Us: jilibweyn@gmail.com


 

©2007Jilibweyn ®All rights reserved.