|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Jilibweyn, Media center 7 may ,

Dagaalo iyo Weeraro Sababay Dhimasho oo Xalay ka Dhacay Muqdisho


Stockholm, Sweden (jilibweyn.com) 07-May-08

Inta la Ogyahay Labaruux ayaa ku Nafweyday laba kalena waa ay ku Dhaawacmeyn Dagaal Qaraar Oo Xalayto ka Dhacay Gudaha Magaalada muqdisho kaasi oo lagu Sooqaaday Fariisinka ay Ciidamada Dowlada itoobiya ay ku leeyihiin X warshadii Hore Ee Baastada .


Dagaalkan ayaa waxaa uu ahaa Mid aad u Culus Islamarkaana Labada Dhinac ay isku Adeegsadeen Hubka Noocyadiisa Kala Duban Ciidamada Dowlada Itoobiya yaa Dagaalka Ka Dib Waxaa ay Tuureen Ilaaiyo Afar Hoobiye kuwaasi oo la Sheegay in ay Dadka Geeriyooday U Geeriyoodeen .

Had Iyo Jeer Weeraradan Lagu Sooqaado Ciidamada Dowlada Itoobiya ayaa waxaa la Aaminsan Yahay In ay Sooqaandaan Kooxaha ka soo Horjeeda Joogitaankooda .

Dhinaca Kale Xafada Macmacaanka Degmada Madiina ayaa Xalay Waxaa lagu Weeraray goob ay ku sugnaayeen ayaa waxaa lagu Weeraray Bambo Gacmeed Hase ahaatee Lamasheegin Wax Qasaare ah oo uu Geystay Bamkaasi Ciidamada Qaraxa KAdib ayaa waxaa Ay Fureen Tacsheerad Xoogan taas oo ay Ku Furayeen Dhinacyadooda Hasayeeshee Ma aysan Arkeyn Cida ay Tacsheerada Ku Ridayeen Cid Waxkunoqotayna Majirin Tacshiirada ay Fureen Balse waxaa laxiray Gebi ahaanba Ganacsigii iyo Isu Socodkii Halkaasi Xaafaduna Waxa ay Noqotay Mid amaankeedu Uu Cakiranyahay .

Isku soo wada Duub o Xaalada MAgaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Noqoneysaa md Siiliicaysa Saacadba Saacada ka Dambeysa Mana Jirto Cid u taagan in ay amaanka Wax Ka Qabato hase ahaatee Maamulka Gobolka ayaa waxaa uu Sheeganayaa in Guulo Wax ku ool ah uu K aGaaray Xasilinta amaanka gudaha Magaalada Muqdisho.

Max’ed Xuseen Gentleman

Jilibweyn Media Center Somalia
E-mail us: jilibweyn@gmail.com
Email Us: jilibweyn@gmail.com


 

©2007Jilibweyn ®All rights reserved.