Mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Isbahaysiga dib u xureynta somalia oo Gobolka Hiiraan soo gaaray.
Stockholm, Sweden (jilibweyn.com) 07-May-08
Baladweyne,(WNT):-Xoghayaha arimaha gudaha Isbahaysiga dib u xureynta somalia Cumar xaashi Aadan iyo xubno uu Hogaaminayo ayaa soo gaaray qeybo ka mid ah Gobolka hiiraan ee Bartamaha somalia.
Cumar xaashi aadan ayaa markii uu soo gaaray Gobolka hiiraan waxaa uu la hadlay warbaahinta ka howlgasha gudaha dalka somalia isaga oo sheegay in ujeedadiisu ay tahay qaabkii uu ugu kuurgali lahaa xaalada dalka somalia sida uu hadalka u dhigay.
Cumar xaashi ayaa ku nuux nuuxsaday in Inta badan isaga iyo xubnaha la socda kormeer ku soo kala bixin doonaan qeybo ka mid ah gobolkada dalka somalia isla markaana dadka goboladaasi ku dhaqan ka dhaadhicin doonaan hadafka isbahaysiga ee ku aadan nabada dalka somalia.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in kormeerkoda ku hormarin doonaan Gobolka hiiraan isaga oo shaaciyay in haatan uu ku sugan yahay Magaalada Madaxda Gobolkaasi ee Baladweyne sida uu hadalka u dhigay.
Mar wax laga waydiiyay in u jeedada uu u yimid gobolkaasi ay tahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa dadka ay isaga isku jufada yihiin ee Gobolkaasi ku sugan Maadaama isaga uu Gobolkaasi ka soo jeedo ayaa arintasi waxba kama jiraan ku tilmaamay balse gaari donaan inta badna Gobolada dalka somalia marka laga reebo Muqdisho iyo baydhabo.
Si kastaba Imaatinka Wafdiga uu Hogaaminayo Xoghayaha arimaha gudaha Isbahaysiga dib u xureynta somalia ayaa imaanaya xili Gobolkaasi Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne aysan ka jirin maamul ah oo hoos taga dowlada Federaalka somalia isla markaana ay wali ku sugan yihin kooxaha dowlada ka soo horjeeda.
C/kariin Xuseen Guutaale.
Jilibweyn
Media Center Somalia
E-mail
us: jilibweyn@gmail.com
Email
Us: jilibweyn@gmail.com