|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Jilibweyn, Media center 4 may ,

Maxamed Dheere Oo Sheegay Inuusan Axmed Cabdi Salaan Ka Hadli Karin Arimaha Gobolka Banaadir


Stockholm, Sweden (jilibweyn.com) 4-May-08

Maxamed Cumar xabeeb (maxamed dheere ) ayaa ku eedeeyey Wasiika warfaafinta Dowlada KMG ah axmed Cabdi salaan inuusan U dhalan gobolka banaadir islamarkaana sheegay in faraha kala baxo Howlaha khuseeya Gobolka


Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada Muqdisho maxamed Dheere ayaa eedayntan uu wasiirka warfaafinta ahna Raysal wasaare ku xigeenka axmed cabdi salaan kaga jawaabayey hadal kasoo baxay wasiirka oo Oranayey waa in gobolka banaadir loo sameeyaa maamul wax qabta islamrkaana dadkla shacabku Uu raali ka yahay .

Maxmed Dheere Oo habeenkii xalay ahaa saxaafada u waramayey ayaa si kulul u weeraray wasiirka warfaafinta dowlada KMG ah Axmed cabdi salaan islamrkaana carabka Ku adkeeyey inuusan Reer banadir kasoo jeedin islamrkaana arintaasi ay u taalo ama ay ka hadli karaan oo Qura Nin u dhashay Gobolka banaadir waa siduu Hadalka U digaye .

'"Ninka Daarood ama Digil Iyo Mirifle U Dhashay Iyo Axmed C/Salaan Waa U Simanyihiin Gobolka Banaadir Oo 1000 Km ayuu Ka Yimid axmed Saa Ha Ogaado mana ka hadli karo arin aan u oolin "' ayuu yiri maxamed Dheere .

Hadalkan Ka Soo Yeeray maxamed dheere Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xili la sheegay inuu raysal wasaare Nuur cadde uu isaku shaandhayn Cusub ku smayn doono Dowladiisa islamrkaana is bedel badani ku imaan doono maamul badan oo imnka jira .

yaasiin faytin

Yaasiinfaytin@hotmail.com

Jilibweyn Media Center Somalia
E-mail us: jilibweyn@gmail.com
Email Us: jilibweyn@gmail.com


 

©2007Jilibweyn ®All rights reserved.