|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Jilibweyn, Media center 4 may ,

Sheikh Shariif sheikh Axmed oo beeniyey in masar ay kahelaan wax hub ah


Stockholm, Sweden (jilibweyn.com) 4-May-08

Sheikh shariif sheikh Axmed oo ah guddoomiyaha sibahaysiga dib u xoreynta soomaaliya oo haatan ku sugan dalka masar ayaa beeniyey wararka sheegaya in isbahaysigooda ay ka helaan dalka masar hub


Sheikh Shariif oo lahadlayey talevisoinka BBCda qeybta afka carabiga ayaa sheegay in dalka masar ay ka haystaan taageero siyaasadeed iyo mid maaliyad , balse aysan jirin wax hub ah ay ka helaan dalka masar.

Shariifka ayaa intaas ku daray in dalka masar uu yahay dal garab taagan shacabka soomalida , balse uusan ka shaqeyn isku hubeynta bulshada tabaalaysan eek u dhaqan soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyey sida uu arko duqeynta mareykanka uu ka geystay magaalada Dhuusa mareeb wuxuu sheegay in ay wax yeelaynayso sumcada mareykanka , balse aysan wax kabadelayn mowqifka soomaalida eek u aadan ladagaalanka gumaystaha iyo daba dhilifkiisa , waa suu hadalka u dhigayee.

Shariifka ayaa wax laga weydiiyey xiriirka u dhexeeya mareykanka iyo isbahaysiga uu madaxda u yahay, wuxuu uga jawaabay anaga mareykanka dagaal kulama jirno , balse wxaan dagaal kula jirnaa gumaysi soo jireen ah waa itoobiyee .

Shariifka ayaa ku ugu dambeyn baaq uu u soo jeediyey dalka masar in uu laba laabo dadaalka uu ugu jiro sidii la isugu keeni lahaa shacabka soomaalida .

Ustaad: C/xakiin Max'ed Cumar

Jilibweyn Media Center Somalia
E-mail us: jilibweyn@gmail.com
Email Us: jilibweyn@gmail.com


 

©2007Jilibweyn ®All rights reserved.