Jaad wade dib ugu cararay wadadoow ka yimid
Stockholm, Sweden (jilibweyn.com) 5-May-08
ku dhawaad 12 ila 13 jawaan oo jaad ah oo ku jiray baabuur ayaa lagu qabtay nin 31 sano jir soomali ah. Ninkaan ayaa waxa uu ka soo baxay magaalo madaxda waddanka Danmark asaga oo ku socday waddanka Sweden
Ninkaan 31 jir ah ayaa isku dayey in uu soo galiyo jaad aad ubadan waddanka sweden asaga oo watay baabuur uu lahaa laakiin wuxuu arkay askarta xuduudaha joogta markaas ayuu dib u celiyey baabuurkii uu watay. waxaa arkay askartii waddanka sweden markaas ayeey baabuur ka daba qaateen. ninkii soomaaliga ahaa wuxuu ku cararar buundada u dhaxeeysa waddanka sweden iyo Danmark.
Baabuurka ayuu si xoowli ah uwaday laakiin nasiibdaro waxaa lagu qabtay waddanka Danmark. ninkaan soomaliga ah wuxuu isku dayey in uu cagahiisa ku baxsado asaga oo ka cararay baabuurkii uu watay laakiin waa la qabtay ugu danbeeyntii
Waxaa uu hadda sugayaa ninkan soomaaliga ah oo degenaansho ka heeysta Waddanka Danmark inlagu qaado danbiyo baddan. sida heeysasho qaad iyo, asaga oo halis galiyey dadkii baabuurta watay iyo asaga oo baaburka ku waday xowli aad ah.
xafiiska waraka jilibweyn, Stockholm
Jilibweyn
Media Center Somalia
E-mail
us: jilibweyn@gmail.com
Email
Us: jilibweyn@gmail.com