|Home| |Sport Contact Us| Aroosyada| Masawiro| Quran|

 

Jilibweyn, Media center 3 may ,

AL-shahiid Muxiyadiin Maxamuud Cumar nin caynkee ah ayuu ahaa, maxaase kala socotaa Taariikhdiisa?


Stockholm, Sweden (jilibweyn.com) 3-May-08

Waxaa 1-dii bishan Habeenkeedii koowaad waxaa magaalada Dhuusa-Mareed ciidamada Maraykanku ka gaysteen duqayn aad u waynayd, waxaana duqayntaas ku geeriyooday kuna shahiiday Mujaahidiin fara badan oo ay mid ahaayeen Muxyadiin Maxamud Cumar oo horey uga tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamka una qaabilsanaa dhinaca Caafimaadka, hadaba ayadoo sidaasi jirto ayaan waxaan halkan kusoo bandhigi doonaa ninka uu ahaa Shiikh Muxiyadiin iyo iyo Taariikhdiisii oo kooban.


Sheekh Muxyadiin Maxamed Cumar waxa uu ka geeriyooday 2 xaas iyo 7 caruur ah, waxaana da’diisa aheeyd 41 jir.Waxaa walaalihiis ka nool hal wiil iyo hooyadiis oo kunool magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug. Shiikh Muxyadiin Maxamud Cumar oo ka tirsanaa madaxdii Maxkamadaha Islaamka isla markaana Maxkamadaha u qaabishanaa dhinicii Caafimaadka iyo faya dhowrka,ayaa ahaa nin waqtigiisa oo dhan u hurey Difaacida iyo Fidinta diinta Islaamka ilaa uu ka gaaro darajada qaaliga ah ee Shahaadada, Shiikh Muxiyadiin wuxuu ku dhashay magaalada Kaalkacyo ee Caasimadda Gobolka Mudug, wuxuuna kusoo barbaaray isla markaana wax kusoo bartay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya,asagoo ahaa nin jeclaa diinta Islaamka inta badana waqtigiisa ku bixin jiray faafinta diinta Islaamka.

Waxa kale oo uu Shahiid Shiikh Muxyadiin kasoo qayb qaatay kaalin muglehna kasoo qaatay dhaqdhaqaaqii Islaamiga ahaa ee ka hana qaaday magaalada Muqdisho iyo Gobolada Koofureed ee Soomaaliya, asagoo jagooyin fara badana kasoo qabtay Maamuladaas.

Shiikh Muxyadiin Maxamud Cumar oo magacyo badan lahaa waxaa ugu caansanaa magacyadiisa (Muxiyadiin Qase), wuxuu magacan ugu baxay fidinta diinta Islaamka iyo asagoo inta badan dadka u sheegi jiray in lagu dhaqmo diinta Islaamka la iskana ilaaliyo waxyaabaha aan diinta ku banaanayn sida Masaafada oo kale, waxaana jirtay in uu meelo badan oo Siyaaro lagu dhigayey inta ka istaagay uu sheegay in waxani Xaaraan yihiin, waana mida keentay in uu magacan (Qase) la yiraahdo u baxo dadka oo dhamina ugu yeeraan Qase, alaha u naxariistee Shiikh Muxyadiin waxa kale oo uu lahaa magaca ah (IIka Case) oo ahaa naanays ay inta badan u yaqiineen intii la soo shaqaysay iyo intii sida gaarka ah u taqiinay, wuxuuna ahaa magacani mid ka tarjumayey sida uu u ekaa Shiikhu ee ma ahayn mid ugu baxay Shaqo uu hayey sida Qase oo kale.

Alaha u naxariistee Shiikh Muxiyadiin ma ahayn Shiikh oo kaliya ee wuxuu ahaa Ganacsade, Macalin, Mujaahid Geesi ah oo inta badan usoo guntaday sidii Nabad looga dhigi lahaa magaalada Muqdisgo loogana hirgalin lahaaa Muqdisho maamul ku dhaqma diinta Islaamka, waxa kale oo uu ahaa nin aaminsanaa in waxa lagu kala badbaadi karo ay tahay oo kaliya ku dhaqanka diinta Islaamka.

Intii aysan imaan Maxkamadaha Islaamku wuxuu ahaa Ganacsade iyo Shiikh Kutubta Islaamka ah ka aqrin jiray magaalada Muqdisho, Maxkamaduhu markay yimaadeena wuxuu noqday madaxii Maxkamadii al-hudaa ee ay aas'aaastay beeshii uu asagu ka soo jeeday saldhigeeduna ahaa Xaafadii Cali Kamiin ee degmada Wardhiigleey, asagoo kasoo shaqeeyey Shirkadii bur burtay ee Al-Barakaat,wuxuuna ka mid ahaa Ragii dagaalka la galay Hogaamiye Kooxeedyadii Argagixiso la dirirka ee Maalinta cad laga saaray magaalada Muqdisho.

Geeriga ku timid Shiikh Muxiyadiin iyo Mujaahidiintii kale ee la shahiiday ayaa dadka Soomaaliyeed Caro xoogleh ka muujiyeen waana markii labaad ee bishan gudeheeda la xasuuqo dad Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada muqdisho iyo magaalada Dhuus-Mareed ee dalka Soomaaliya.

Shiikh Muxyadiin oo caan ka ahaa magaalada Muqdisho ahaana nin bulshada dhexdeeda ka muuqday dad badana uga faa'iideeyey aqoontiisa ayaanay waxba kasoo qaadin Taariikhdiisa Idaacadda BBC-du halka ay Baroor diiq fara badan u samaysay BBC-Rag uu ka martabo iyo aqoon sareeyey Shiikh Muxyadiin, waxayna arintaasi cadaynaysaa eedayntii dadka Soomaaliyeed ka sheegi jireen maamulka idaacada oo cadaalad daro weyni ku shaabadaysan tahay.

Ugu danbayntii waxaan Tacsi u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar'ahaan waxaan Tacsi gaarsiinayaa Qoyskii uu ka geeriyooday Shiikh Muxiyadiin iyo Culimadii kale ee Soomaaliyeed, waxaana leeyahay ilaahay Samir iyo IImaan ha idinsiiyo. Amiin,, Amiin.

Wariye: C/raxmaan Madaxeey

cadceed_80hotmail.com

Qaahira, Masar

Aqoon intee le’eg ayaad u leedahay Sh. Muxudiin Maxamed Cumar oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii Al-Shabaab ee ku shahiiday duqeyntii Dhuusamareeb.?!

ALLAHA u naxariistee Sheekh Muxudiin Maxamed Cumar wuxuu ahaa xogheyihii Caafimaadka ee golaha midowga maxkamadaha islaamka ee ka ariminiyey sanadkii 2006 koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, Sh. Muxudiin Maxamed Cumar waa ninkii la dhintay Macalin Aadan xaashi Ceyrow.

Wuxuu ahaa sidoo kale guddoomiyihii maxkamada Islaamiga ah Al hudda ee looga dhawaaqay qeybo ka mid ah dagmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho taasoo ay sameysatay beesha Shiiqaaleed, sidoo kale waxa uu ahaa agaasimihii guud Ex bangiga Barakaat ee magaalada Muqdisho intaanu ka mid noqon bangiga barakaad waxa uu ka mid ahaa ganacsatada Suuqa sarifka ee Bakaaraha wax kaloo uu ahaa nin caalim ah diintana ku wanaagsan sidoo kale waxa uu kitaabka tafsiirka ka aqrin jirey masaajid ku yaalo xaafada xamar jadiid iyo masjidka dawada ee suuqa bakaaraha, wuxuuna ahaa nin dhalinyaro ah oo diinta islaamkana ku xeel dheer waxaanu ka soo jeeday qoos diinta aad loogu qadariyo waxaanu kaloo ka mid ahaa madaxdii iyo howlwadeenadii midowga maxkamadaha islaamiga ee magalada Muqdisho waxaanu ahaa shaqi si weyn looga heybesto hogaamintiisa beesha uu ka soo jeedo iyo umada Soomaaliyeed intaba, waxaanu ku guuleystay in uu deegaanada beesha Shiikhaal dagto ee jubooyinka uu ka hirgeliyo ku dhaqanka shareecada islaamka oo dadka degan ay si weyn ugu diirsadeen.

Sheekh Muxyadiin Maxamed Cumar waxa uu ka geeriyooday 2 xaas iyo 5 caruur ah, waxaana da’diisa lagu sheegay 38 jir saaxiibo dhow ayey ahaayeen isaga iyo Macalin Aadan Xaashi Ceyrow, taasoo keentay iney mar qura isla shahiidaan sidoo kale Sh. Muxudiin Maxamed Cumar wax uu ahaa xogyihii caafimaadka midowga maxkamadaha islaamka ee ka hana qaadey bartamahii sanadkii 2006 koonfurta iyo bartamaha soomaaliya waxaanu qeeb ween ku lahaa Sh. Muxyadiin Maxamed Cumar halganka dalka lagu xureynayo, isagoo sidoo kale tagey shirkii Asmara ka dhacay oo ay isku afgaran waayeen hanaanka dalka looga xureynayo ciidamada Itoobiya ee dalka qabsaday isaga iyo madaxda Isbaheysiga Asmara oo isku qabtey sida loo wajahay xureynta dalka Sh. Muxyadiin Maxamed Cumar waxa uu qabey in dalka xoog looga saaro ciidamada Itoobiya ee dalka ku soo duuley shareecada islaamkana lagu xukumo dalka Soomaaliya oo dhan. Sh Muxyadiin Maxamed Cumar waxaanu ka mid ahaa saraakiisha sare ee dagaalka ka wada dalka isagoo habeen iyo maalinba u taagan xureynta dalka, wuxuuna ka qeyb galey dagaalo culus oo lala galey ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya qasaaro ween lagu gaarsiiyay ciidamada itoobiya goobo badan ay isaga hor yimaadeen geerida Sh. Muxudiin Maxamed Cumar iyo Macalin Aadan Xaashi Ceyrow ayaa timid duqeyn ay u geysteen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka xili ay ku sugnaayeen magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud halkaasina ayeyna ku shahiideen labada Shiikh iyo rag fara badan oo ka tirsanaa saraakiisha Ururka Al Shabaab.

Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun geerida xaq weeyaan qof kasta oo naga mid ah waa dhadhaminiyaa maalintiisa Ilaahey waxaan uga baryeena mujaahidiintaas qiimaha badan iyo inta kalke eek u shahiiday duqeynta cadowga in uu naxariista jano ka warabiyo qoyskii iyo aheladii ay ka tageena samir iyo iimaan ka siiyo iyo dhamaan muslimiinta oo dhan

Jilibweyn Media Center Somalia
E-mail us: jilibweyn@gmail.com
Email Us: jilibweyn@gmail.com


 

©2007Jilibweyn ®All rights reserved.
Jilibweyn - News babul1 width=100>
www.Jilibweyn.com

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

TACSI

Marxuum Sheikh Muxudiin Maxamuud Cumar iyo Macalin Aadan Xaashi faarax

Waxaan halkaan tacsi uga direynaa dhamaan Ehelada eey ka shahiideen,geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Sheikh Muxudiin Maxamuud Cumar iyo Macalin Aadan Xaashi faarax iyo muslimiintii kale ee ku shahiiday duqeyn ay xalay dayuuradaha Maraykanku ka geysteen guri ku yaala magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud .

Waxaan Allaha awooda leh uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo. Waxa eey ku shahiideen diyaaradaha Maraykanka xalay u gaysteen guri ay ku jireen Mas’uuliyiintaasi oo kuyaalay Magaalada dhuusa-mareeb ee gobolka G/gaduud

Annagoo kala ah Sharif Axmadey iyo xaaskiisa Khadija Maxamed,
wiilasheyda Maxamed Sharif & Xaaskiisa,
Axmadey Sharif & Xaaskiisa,
C/llahi Sharif & Xaaskiisa,
Abshir Sharif,
Caasha Sharif &
Axmed Sacid,
Muna Sharif & ninkeeda,

dhamman waxay tacsi u dirayaan reerkii uu ka geeriyooday

shahiid Sheikh Muxidiin Max'ud Cumar.

waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu janatul firdowsa ka waraabiyo, aamiin - aamiin - aamiin.

Waxaa kale oo tacsida diraaya

Waxaan halkaan tacsi uga direynaa dhamaan walaalaheena uu ka geeriyooday sheikh Muxiyadiin Maxamuud Cumar (Qase). . Waxaan Allaha awooda leh uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo kana aqbalo shahiidnimadiisa iyo camalkii wanaagsanaa uu usoo qabtay diinta Islaamka kuligeena samir iyo iimaan Allaha naga siiyo..

Waxaa tacsida diraaya anaga oo kala ah dhammaan reer Cali khalaf
iyo reer C/dhaarte
oo ugu horeeyaan
Mohamed Abdulaahi Ali khalaf iyo
dhamaan reer khalaf macalin
Osman Abdi dharte iyo
xaaskiisa Sahro ciiro
Anab Abdi dharte iyo
dhamaan reer c/dhaarte
Maxamuud c/laahi c/raxman (CAGMADHIGE) iyo
dhamaan reer c./laahi c.raxmaan

WAXAAN U DIREEYNAA TACSIDA, dhamaan reer maxamuud cumar iyo xaaskii uu ka tagay marxuuma iyo caruurtiisa . WAXAAN LEENAHAY SAMIR & IIMAAN ALAHA IDiN KA SIIYO MARXUMKANA JANADII FARDOOWSO ALLAHA KAWARAABIYO INAALILAAHI WA, INAY ILAAHEY RAAJUCUUN! TACSI TIIRAANYO LEH WAXAA DIRAYA. AAMIN AAMIN AAMIN AAMIN AAMIN AAMIN AAMIN AAMIN


Waxaa kaloo diraaya dhammaan Bahda Jilibweyn Media Center.
Naxariistii Janno allaha ka waraabiyo - Aamiin

mailto:jilibweyn@gmail.com